Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Papademos oo loo Magacaabay Ra'iisul-wasaaraha Greece


Papademos oo loo Magacaabay Ra'iisul-wasaaraha Greece
Papademos oo loo Magacaabay Ra'iisul-wasaaraha Greece

Dalka Greece ayaa maanta waxaa ra'iisul-wasaaraha cusub loo magacaabay Lucas Papademos. Papademos ayaa macalin ka soo noqday dalkan Maraykanka sidoo kalena wuxuu soo qabtay xilka madaxweyne kuxigeenka hore ee bangiga dhexe ee Yurub.

Ra'iisul-wasaarahan cusub ayaa soo dhisaya xukuumad waddaag ah oo dalka Greece ka saarta xiisadda maaliyadeed ee dalkaasi uu imika ku dhexjiro.

Xukuumadda cusub ayaa dhaqan gelinaysa qorshaha cusub ee Yurub ay ku doonayso inay ku samatabixiso dalka Greece si loo xaqiijiyo in dalkaasi uu helo lacagta deynta ah ee qeyb qeybta loo siinayo si uu dalkaasi uga baaqsado inuu deynta iska bixin waayo.

XS
SM
MD
LG