Isku xirrada

Al-Shabaab oo Taliye ku Dishay Gariley


Dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab

Dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday deegaanka Gariley, oo ka tirsan gobolka Gedo.

Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday deegaanka Gariley, oo ka tirsan gobolka Gedo kuna dhow xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka, ayaa idaacadda VOA-da u sheegay in weerarkaas, oo lala beegsaday saldhig ciidan iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada lagu dilay taliyihii ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gariley oo lagu magacaabi jiray Xawaadlow.

Waxaa sidoo kale qofkaas uu sheegay in la gubay baabuur ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kooxdii weerarka soo qaaday, ayaa saacado kadib isaga baxay deegaanka sida uu sheegay goobjoogaha. Weriyaheena Axmed Cali Sheekh, ayaa arrintaas ka wareystay qof ka mid ah dadka deegaanka.

XS
SM
MD
LG