Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo ku Baaqday Shir Dib-u-heshiisiin ah


DKMG oo ku Baaqday Shir Dib-u-heshiisiin ah
DKMG oo ku Baaqday Shir Dib-u-heshiisiin ah

Golaha Wasiirada ee DKMG ayaa maanta sheegay in gudaha Somalia lagu qaban doono shir dib u heshiisiin ah bartamaha bisha June ee 2011

Sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda KMG ah ee Somalia, Ing. Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yiriisow), waxa shir ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelatay Xukuumadda KMG ah ee Somalia ayaa lagu sheegay in bisha June 11-16-keeda ee sanadkan shir dib-u-heshiineed Somalia lagu qabanayo. Golaha wasiiraddu maysan caddeyn halka uu shirkaasi ka dhici doono.

Goluhu waxa uu sheegay in guddi heer wasiir ah loo saari doono sidii ay ula xiriiri lahaayeen qeybaha kala duwan ee Soomaalida, ha ahaadaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaalida.

Shirkan ayaa yimid ka dib markii shalay magaalada Nairobi lagu soo gaba gabeeyey shir wadatashi ahaa oo qeybo ka mid ah siyaasadda Somalia uga socday dalka Kenya, shirkaas oo uu soo qabanqaabiyey ergeyga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia, Dr. Augustine Mahiga.

Wareysiyo kale duwan oo arrimahan la xiriira iyo bayaankii ergayga gaarka ee QM qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG