Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Amniga oo la Kulmaya Soomaalida


Golaha Amniga oo la Kulmaya Soomaalida
Golaha Amniga oo la Kulmaya Soomaalida

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo madaxda Soomaalida ayaa maalinta berri ah ku shiri doona Nairobi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo madaxda Soomaalida ayaa maalita berri ah shir ku yeelan doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan looga hadli doono xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgeli doona dhinacyada Soomaalida, sida dowladda KMG ah, Puntland iyo Somaliland, kuwaasoo xubno ka tirsani la sheegay inay ku sugan yihiin magaalada Nairobi.

Somaliland ayaa sheegtay inay si gaar ah ula kulmi doonto Golaha Ammaanka, tasoo noqoneysa markii ugu horreysay, tan iyo markii ay ku dhowaaqday madaxbannaanideeda.

Shirkan Golaha Ammaanka iyo Soomaalidu ay ku yeelan doonaan magaalada Nairobi wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay aad u sarreyso xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan hay'adaha dowladda KMG ah, taasoo ka dhalatay xilliga kala guurka. Waxaana fashilmay waan waan laga dhex waday madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG