Isku xirrada

War

Godane: Dagaalku Waji Cusub ayuu Galay

  • Abdulaziz Osman

Godane: Dagaalku Waji Cusub ayuu Galay

Godane: Dagaalku Waji Cusub ayuu Galay

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Somalia ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM uu galay waji cusub.

Fariin cod ah oo uu soo diray hoggaamiyaha kooxda al-Shabaab, Axmed Godane ayuu kaga hadlay dagaalka ay kooxdu kula jirto dowladda, inkastoo uusan caddeyn wuxuu noqonayo wajigan cusub, hasse yeeshee wuxuu taageerayaasha kooxdiisa ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan wuxuu ugu yeedhay dagaalka Jihaadka ah ee kooxdu wado.

Axmed Godane, wuxuu kaloo fariintan codka ah uga hadlay abaaraha Somalia, isagoo sheegay in howlaha gurmadka gar-gaarka ah ee beesha caalamka ay wado uu yahay mid siyaasadeysan oo lagu doonayo sida uu hadalka u dhigay in dadka lagu gumeysto.

XS
SM
MD
LG