Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gobolka Galguduud: Dagaallo Cusub


Dagaallo cusub ayaa maanta ku dhexmaray ururada Ahlusuna Waljameeca iyo Alshabaab goobo dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galguduud

Maanta ayaa waxaa dagaal dhexmaray labada urur ee Ahlusuna Waljameeca iyo Alshabaab. Dagaaladaas ayaa ka dhacay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galguduud. Meelaha ay dagaaladaasi ka dhaceen ayaa waxa ka mid ah Godin-labe, Mareer-gur, Godoon, iyo tuulooyin kale.

Dhinacyada is haya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay. Afhayeenka ururka Ahlusuna Waljameeca Sheekh Cabdullaahi Sheekh Cabdulqaadir (Abu Yuusuf Al-Qaadi) ayaa sheegay in dagaalo xooggani dhex mareen ururkiisa iyo ururka Alshabaab isagoo sheegay in ay dhinacooda guulo kasoo hooyeen isla markaasna qiray in khasaare jiray.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ururka Alshabaab ee gobolka Galguduud Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-tukade) ayaa isaguna shir jaraa’id oo khadka telefoonka ku qabtay sheegay in dagaalkii ururkiisa iyo ka Ahlusuna Waljameeca dhexmaray ay guulo kasoo hooyeen.

Dagaaladan oo ku sii fidaya gobolka Galguduud ayaa lagu soo waramayaa in dadkii dhulkaas degenaa ay si baahsan u qaxayaan.

XS
SM
MD
LG