Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Benaadir oo ku Guuleystay Koobkii Gobollada


Benaadir oo ku Guuleystay Koobkii Gobollada
Benaadir oo ku Guuleystay Koobkii Gobollada

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Banaadir guusha ay ka gaareen ciyaaraha.

Kooxda gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay koobkii ciyaaraha kubadda cagta ee gobollada Soomaaliya ee 18aad ee ka socday magaalada Garowe.

Ciyaarta Finalka waxaa isugu soo haray gobollada Bari iyo Banaadir, waxaana Banaadir ay ku guuleystay 1 - 0.

Cayaartan oo ka dhacday garoonka Mire Awaare waxay ahayd mid aad u xiiso badneyd, waxaana goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta maamulka Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo koobka guddoonsiiyay kooxda gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo goob joog ka ahaa guddoomiyeyaasha gobolada Bari iyo Banaadir, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

XS
SM
MD
LG