Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brussels: Shir Looga Hadlayo Soomaaliya


Shirka, ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo ururin lahaa dhaqaale xoog badan oo wax lagaga qabanayo sidii qaxootigu ay ugu noqon lahaayeen Soomaaliya.

Waxaa maanta magaalada Brussels ee dalka Belgium ka furmay shir looga hadlayo “Yabooha dhaqaale ee qaxootiga Soomaaliyeed” ee ku nool dalalka dariska la ah Soomaaliya iyadoo shirkaasi diiradda lagu saari doono sidii loo ururin lahaa dhaqaale xoog badan oo wax lagaga qabanayo sidii qaxootigu ay ugu noqon lahaayeen Soomaaliya.

Shirkan waxaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xubno ka tirsan Gollaha wasiiradda iyo sidii kaloo wakiilo ka socda UNHCR, Qaramada Midoobay, Midowga Yururb, AU , IGAD iyo madax ka socota dalalka Kenya, Ethiopia iyo Uganda.

Shirkan ka furmay magaalada Brussels oo ay si wada jir ah u gudoominayaan madaxa hay’adda UNHCR, Mr. António Guterres iyo madax ka socota EU ayaa ujeedkiisu yahay in bulshada caalamku ay ku yaboohdo dhaqaalaha lagu fududaynayo dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed si loo dhaqan galiyo heshiiskii sadex-geesoodka ee dalalka Somaliya, Kenya iyo UNHCR, kaas oo dhigayay in qaxootiga Soomaaliyeed ee doonaya in dalka dib loogu celiyo la iska kaashado iyo in la hubiyo in qaxootigu ay ku noolaan karaan Soomaaliya marka dib loo celiyo.

Xaaladaha ka jira Soomaaliya ayaa loo arkaa in ay abuureen fursado ay qaxootigu dib ugu noqon karaan dalkooda hooyo iyadoo horay uu dhacay heshiiska sadex-geesoodka ahaa ee Somalia, Kenya iyo UNHCR ee dib-u-celinta qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana heshiiskaasi uu suuragaliyay in ku dhowaad 4000 oo qof oo qaxooti ah laga caawiyay dib-ugu-noqoshada Soomaaliya si iskood ah, waxaase wali jira caqabado ku horgudban in qaxootigu ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Sida ay sheegtay hay’adda UNHCR , waxaa jira labo milyan oo qaxooti Soomaaliyeed ah ka barakacay dalka, taas oo sabab looga dhigay burburkii dalka ka dhacay 25-kii sano ee lasoo dhaafay.

1.1 Milyan oo Soomaali ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, in ku dhow 1 milyan oo kale ayaa ku daadsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

420,711 oo qaxooti Soomaaliyeed ah waxaa ay ku sugan yihiin dalka Kenya, 249,350 waxaa ay ku sugan yihiin dalka Ethiopia, 32,447 waxaa ay ku sugan yihiin dalka Uganda, 12,044 oo qaxooti ah ayaa ku nool dalka Djibouti. Waxaa intaasi dheer in 240,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku nool yihiin dalka Yemen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid iyo Madaxaha hay’adda UNHCR António Guterres ayaa wada-jir u qaban doona shir jaraa’id galinka danbe ee maanta si ay usoo bandhigaan go’aanada kasoo baxa shirkan.

XS
SM
MD
LG