Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany oo 4-0 ku Dardartay Argentina


Labada kooxood waxay soo bandhigeen Ciyaar aad u wanaagsan, balse Argentina oo weeraro kale muujisay waxay niyad jabtay markii gool labaad laga dhaliyay

Ciyaarta dhexmartay labada kooxood ee Argentine iyo Germany oo aad loo sugayay waxay qeyb ka ahayd ciyaaraha loogu tartamayo Semi-Finalka oo la doonayo inay afar kooxood ay isugu soo baxaan.

Ciyaarta waxay ku bilaabatay si degan, balse iyadoo ay ilbiriqsiyo ka harsan tahay daqiiqada saddexaad waxaa Bulsiyoon ay heshay kooxda Germany ay uga faa'ideysatay in gool dhaliyaan. Waxaa Germany goolka u saxiixay laacibkooda lambarka 13aad ku ciyaara ee Thomas Muller.

Wixii intaa ka dambeeyay ee qeybtii hore ee ciyaartu labada kooxood waxay umuujiyeen ciyaar aad u wanaagsan, waxaana weerarka ugu culus ay waday Argentine, walow aanay u suurtogelin inay gool dhaliso, Jarmalka laftigoodu fursado ay gool ku dhalin kareen ayay iska lumiyeen.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay 1-0 oo Germany ay ku hogaamineyso.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxay ku dhammaatay 1-0 oo Germany ay ku hogaamineyso.

Markii laysugu soo noqday qeybtii labaad ee ciyaarta Argentina waxay kor u qaaday weerarkeedii balse uma ay suurtogelin inay gool la timaado balse kooxda Germany ayaa la timid 4 gool, ciyaartuna waxay ku dhammaatay 4-0 oo Germany ay ku badisay.

Qeybtii labaad ee Ciyaarta Jarmalka waxaa daqiiqadii 67aad gool labaad u dhaliyay ciyaar yahanka lambarka 11aad ku ciyaara ee Klose.

Goolka saddexaad Germany waxaa shabaqa ugu hubsaday daqiiqadii 73aad ciyaaryahanka ku ciyaara lambarka 3aad

Haddana kooxda Germany waxay goolkii afaraad ay la yimaadeen daqiiqadii 88aad, waxaana u dhaliyay Klose oo lambarka 11aad ku ciyaara.

Kaararka Casaanka iyo Huruuda

Intii ay ciyaartu socotay Argentina waxaa kaarka Huruuda laga siiyay laacibkooda Nicolas Othamendi oo qeybtii hore ee ciyaarta loo taagay, iyo Javier Macherano.

Germany waxaa iyaguna kaarka huruuda laga siiyay Thomas Muller oo qeybtii hore la siiyay.

Ciyaartu waxay ku dhammaatay si qurux badan iyadoo kooxda Argentina iyo taageerayaashoodu ay niyad jabeen, Maradona oo ah tababaraha Kooxda Argentine caawa ma uusan bood boodin.

XS
SM
MD
LG