Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Germany: Masjid la Xiray


Germany: Masjid la Xiray
Germany: Masjid la Xiray

Masjid ku yaalla Magaalada Hamburg ee waddanka Germany ayaa saaka la xiray markii booliisku ku tuhmay inuu xagjirka bar-kulan u yahay

Waddanka Jarmalka ayaa xiray masjid lagu magacaabo Daiba, horeyna loo oran jiran Al-Quds, masjidkaas oo ku yaalla magaalada Hamburg.

Sababta masjidkan loo xiray ayaa lagu sheegay inuu bar-kulan u ahaa muslimiinta xagjirka ah oo laga qorto kuwa doonaya inay ka qeyb qaataan waxa ay u arkaan inuu jihaad yahay.

Masjidkan oo ay baadhitaan ka waddeen 20 askari oo ka tirsan booliiska Jarmalka ayaa la sheegay in booliisku ka qaateen dhawr kombiyuutar, laakiin lama sheegin dad halkaas laga qabqabtay.

Mas’uuliyiinta Jarmalku waxa ay sheegeen in muddo dheer ay ururinayeen xog ku saabsan masjidkaas uu booliisku saaka baarista ku sameeyey

Masjidkan ayaa la sheeggay inuu ahaa halkii ay ku kulmi jireen qar ka mid ah ragii soo maleegay weeraradii lagu qadaday magaalooyinka New York iyo Washington ee dalka Maraykanka bishii Septambar 11keedii ee sanadkii 2001dii ka hor intii aanay ragaasi u amba bixin dalka Maraykanka

booliisku waxa uu intaas ku daray in xubno ka tirsan maamulka masjidka la sheegay in tababarro kuwa xagjirka ahi qaataan ay u tageen waddanka Uzbekistan.

XS
SM
MD
LG