Isku xirrada

War

Garowe: Wasiiro Xilalkii laga Qaaday


Garowe: Wasiiro Xilalkii laga Qaaday

Garowe: Wasiiro Xilalkii laga Qaaday

Madaxweynaha Puntland ayaa wasiirada uu xilalka ka qaaday uu ku bedelay kuwo cusub.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta isbedel ku sameeyay wasadaarado ka tirsan golihiisa wasiirada.

Wareegto uu soo saaray madaxweyne Faroole waxa uu xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ay ku jiraan wasiiradii warfaafinta Cabdixakiim Axmed Guuleed iyo wasiirkii Duulista Hawada iyo Garoomada, Axmed Cimi Cismaan.

Faroole ayaa wasaaradda warfaafinta u magacaabay Axmed Cali Askar, halka wasaaradda Duulista Hawada loo magacaabay wasiir ku xigeenkii wasaaraddaasi Faarax Seed Cali.

Isbedelkan waa kii labaad ee uu madaxweyne Faroole ku sameeyo maamulkiisa.

XS
SM
MD
LG