Isku xirrada

War

Garowe: 9 Qof oo ku Dhimatay Shil Baabuur


Garowe: 9 Qof oo ku Dhimatay Shil Baabuur

Garowe: 9 Qof oo ku Dhimatay Shil Baabuur

Shilalka geerida badan sababa ayaa had iyo jeer ka dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacayo,

Wararka ka imanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ugu yaraan 9 ruux ay ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoroyo oo dhanka waqooyi qiyastii 60km kaga beegan magaalada Garowe.

Wariyaha VOA-da ee magaalada Garowe Nuux Muuse Birjeeb ayaa soo sheegay in shilkaasi uu ka dhashay gaari xamuul siday oo qalibmay, kaasoo ka yimid magaalada Boosaaso. Waxaana sidoo kale shiilkaasi ku dhaawacmay dad kale oo ka badan 15.

Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi baabuur oo qaarkood xaaladoodu ay halis tahay waxaa la dhigay Isbitaalka magaalada Garowe oo haatan lagu daweynayo.

Shilalka geerida badan sababa ayaa had iyo jeer ka dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacayo, waxaana inta badan loo aaneeyaa darawaliinta oo hurdooda ka dib ka diba uu gaariga wadada kala baxo.



XS
SM
MD
LG