Isku xirrada

War

Garoowe: Kulanka Madaxda DKMG iyo Puntland


Garoowe: Kulanka Madaxda DKMG iyo Puntland

Garoowe: Kulanka Madaxda DKMG iyo Puntland

Madaxda DKMG iyo Puntland ayaa ku heshiiyay in qeybta 1-aad ee shirka wadatashiga lagu qabto Muqdisho, kan 2-aadna uu ka dhaco Garoowe.

Madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif iyo Madaxweyne maamulka Puntland Cabdiraxman Faroole ayaa shir ku yeeshay magaalada Garoowe, kaddib markii uu maanta safar halkaasi ku tagay madaxweyne Sheekh Shariif.

Labadan mas'uul ayaa ka wada hadlay, islana meel dhigay halka lagu qabanayo shirka wadatashiga ah ee Soomaalida. Madaxweyne Shariif ayaa ku dhawaaqay in shirka waddatashiga qeybtiisa koowaad lagu qaban doono Muqdisho, halka kan labaadna uu ka dhici doono Garoowe.

Waxa kale oo ay labada mas'uul ka wada hadleen sidii ay labada dhinac wadashaqeyn toos u dhexmari lahayd, isla markaana lloo horumarin lahaa nabadda, maamul wanaaga, iyo wax u qabashada dadka abaarta ku saameeyay.

Warbixinta oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG