Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo Gilgilay Garoonka Diyaarahada Istanbul


istanbul airport
istanbul airport

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay, in kabadan 20 kalena way dhaawacmeen kadib markii qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul.

Saraakiisha ayaa sheegay in laba qof oo ismiidaamiyay ay isku qarxeen garoonka.

Saraakiisha ayaa sheegaya in boolisku ay rasaas ku fureen labadaasi qof ka hor inta aysan isqarxin. Wararka ayaa sheegaya in nimanka is qarxiyay ay booliska ku tuureen bambaanooyin.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxyada garoonka diyaaradaha Istanbul.

XS
SM
MD
LG