Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama Oo Qaaday Tallaabo Xakeymeynaysa Hubka


Hub iib ah (Sawir hore)
Hub iib ah (Sawir hore)

Amar kasoo baxay madaxweyne Obama ayaa ku qasbi doona dad badan oo hubka iibiya inay helaan ruqsad ay hubka ku iibiyaan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku dhowaaqay tallaabooyin dhowr ah oo cusub, oo lagu yareynayo rabshadaha hubka, isaga oo tallaabadan muddada kala qeybisay shacabka Mareykanka la dhinac maray congress-ka.

Obama ayaa siyaasdahan cusub shaaca ka qaaday maanta, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay aqalka cad, isaga oo ku dhalleeceeyey sharci dejiyayaasha inay ku guul darreysteen inay soo saaraan sharci lagu xakameynayo hubka.

“Waxaan nahay dalka kaliya ee horumaray dunida, ee arka rabshadahaceynkan ah ee sida joogtada ah u dhaca” ayuu yiri Obama.

“Dad ayaa dhimanaya, sidaas darteeda cudur daarka joogtada ah ee waxqabad la’aanta ma sii socon karo” ayuu yiri Obama.

Amarkan madaxweyne ayaa ku qasbi doona dad badan oo hubka iibiya inay helaan ruqsad ay hubka ku iibiyaan, islamarkaana ay maraan hanaan lagu eegayo xogtooda nololeed, inta aan loo ogolaan hub iibinta.

XS
SM
MD
LG