Isku xirrada

War

Gargaarka UNHCR ee Abaaraha


Gargaarka UNHCR ee Abaaraha

Gargaarka UNHCR ee Abaaraha

Hay'adda UNHCR ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga hadashay, gargaaradii u dambeeyay ee ay ka geysatay abaaraha.

Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa magaalada Geneva kaga hadashay kaalinta ay ilaa iyo hadda ka geystay gargaarka abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay hay’adda UNHCR waxa uu sheegay in cel celis ahaan 1,000 qof oo aad u dhibaateysan oo raadinaya gargaar inay maalin walba yimaadaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka soo qaxay gobollo ay macluul daran ka jirto ee koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in tirokoobkoodii ugu dambeeyay ee ay hayaan uu ka badan yahay 20,000 oo qof, in bishan July oo keliya ay Muqdisho Yimaadeen. Inka badan kala bar dadkaasi waxay ka soo hayaameen ayuu yiri, gobolka Shabeellada Hoose oo ah mid ka mid ah laba gobol oo Arbacadii lagu dhowaaqay in macluuli ay ka jirto.

Afhayeenku wuxuu sheegay in gobolka labaad ee macluusha laga soo sheegay ee Bakool ay ka soo qaxeen 2,800. Waxaa kaloo jira 6,100 qof oo kale oo iyaguna ka soo hayaamay gobolka Baay, halka dad gaaraya 1,000 ay iyaguna ka soo barakaceen Shabeellada Dhexe.

Iyadoo ka jawaabaysa dhibaatadaasi, UNHCR waxay sheegtay in Arbacadii ay qeybisay 2,500 oo xirmo oo gargaar deg deg ah oo ay siisay dad gudaha dalka ku barakacay oo ku sugnaa degmada Dharkenley oo dhanka koonfurt galbeed kaga taalla magaalada Muqdisho.

Gargaarkaasi deg degga ah waxay UNHCR sheegtay inuu ka koobnaa bacaha roobka laysaga xajiyo, bustayaal, fershaanta lagu seexdo, mac macaan qasacadeysan iyo maacuun jiko oo dhammeystiran. Waxaana ka faa’ideystay bey tiri 15,000 oo qoys oo la aqoonsaday inay dhowaan soo xaroodeen, gaar ahaan qoysaska ay haweenku hormuudka u yihiin.

Afhayeenku wuxuu sheegay, in UNHCR ay qorsheyneyso in todobaadyada soo socda ay qeybiso 75,000 oo xirmooyin gargaar ah.

UNHCR waxay sheegtay in xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ay maalin walba gaaraan 1,500 oo qoysas cusub, taasoo 60,000 oo qoys ka dhigeysa qaxootiga cusub ee tan iyo sanadkan halkaasi gaaray. Guud ahaan Kenya waxaa sanadkan gaaray 100,000 oo qaxooti ah.

Itoobiyana, deegaanka xuduudda ku yaalla ee Dolo Addo, waxaa maalin walba gaaraya boqolaal qaxooti cusub, iyadoo tan iyo bishii January ay halkaasi gaareen 74,000 oo qaxooti Soomaali ah. Wadar ahaan, Itoobiya waxay sanadkan dalkeeda gaaray 78,000 oo qaxooti Soomaali ah.

Inka badan kala bar qaxootiga gaaray dalka Itoobiya, waxay ka yimaadeen gobollada Gedo, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira beeralay iyo xoolo dhaqato kuwaasoo la soo kulmay abaaro isdaba joog ah iyo colaado ugu darsamay.

Qaxootiga gaaraya xeryaha ku yaalla dalalka Itoobiya iyo Kenya waxaa la sheegayaa in muuqaal ahaan ay aad u liitaan, nafaqa dari ba’anna ay hayso oo dadka qaarkii ay u dhinteen.

Xerada qaxootiga ee Kobe, ee Dolo Addo ka tirsan, halkaasoo ay ku xareysan yihiin dad kor u dhaafaya 25,000, waxaa laga soo wariyay 15 dhimasho ah maalintii Salaasada ahayd .

Shaqaalaha UNHCR ee ku sugan xerada Dhadhaab waxay iyagana soo sheegeen inay jirto tiro badan oo dhimasho ah oo u badan caruur aad u nafaqa darreysnaa.

UNHCR waxay kaloo ka hadashay in uu ciriiri ka jiro xerada diiwaan gelinta qaxootiga ee Dolo Addo, halkaasoo ay sheegtay inay ku quudeyneyso 11,000 oo qaxooti cusub oo ay ku siineyso cunno bisil, maalintii laba jeer. Waxaa ay sheegtay in maalmaha soo socda xero cusub laga furi doono deegaanka Hilaweyn, kaasoo qaadi doona 60,000 oo qaxooti ah.

Waxa ay sheegtay in xeryaha Dhadhaab iyo Dolo Addo ay cirka iyo dhulkaba ku geynayaan gargaar deg deg ah oo laga soo qaaday keydad ay ku leeyihiin Dubai, Kuweyt, Pakistan iyo Djiobouti. Sahaydaasoo qaarkood ka dhaqaaqay magaalooyinka Nairobi, Addis Ababa, iyo Djibouti, kuwaasoo ku sii jeedaa Dolo Addo iyo Dhadhaab.

XS
SM
MD
LG