Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaarka UNHCR ee Abaaraha Soomaaliya


香港学联成员在铜锣湾时代广场完成“八九六四”绝食(美国之音海彦拍摄)
香港学联成员在铜锣湾时代广场完成“八九六四”绝食(美国之音海彦拍摄)

Hay'adda UNHCR waxay sheegtay inay gargaar gaarsiin doonaan ilaa 30,000 oo ku sugan Muqdisho , ayna tegi doonaan deegaanka KM50.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR oo beryahanba ku hawlaneyd u kuur gelidda baaxadda dhibaatada abaarta ku dhufatay Geeska Afrika ayaa sheegtay inay hawshaasi badideed ay soo dhammaatay, ayna bilaabeen bixinta gargaarka abaaraha.

Cabdiraxmaam Maxamed Cumar, Xiriiriyaha hawlaha gargaarka ee hay’adda UNHCR Somalia, ayaa isagoo ku sugan magaalada Nariobi VOA u sheegay, in maalmaha soo socda ay gargaar gaarsiin doonaan ilaa 30,000 oo ruux oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayna tegi doonaan deegaanka Lambar Konton, halkaasoo ay gacanta ku hayso kooxda al-Shabaab, oo iyadu dagaal kula jirta dowladda KMG ah.

Xiriiriyaha UNHCR ee gargaarka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, wuxuu sidoo kale sheegay in dad gaaraya 18,000 barakacayaal ah ay ku sugan yihiin degmooyinka Dhooley oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Ceelwaaq oo ku sugan gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay inay gargaar siiyeen 1,800 oo ku sugan Dhoobley, ayna qorsheynayaan inay gargaar deg deg ah la gaaraan dad iyaguna kudhibaateysan Doolow Addo.

XS
SM
MD
LG