Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaarka Abaaraha Soomaaliya


Gargaarka Abaaraha Soomaaliya
Gargaarka Abaaraha Soomaaliya

Hay'adda gargaarka iyo horumarinta Afrika ee ADT, ayaa bilowday inay gargaar ka qeybiso Magaalada Muqdisho iyo Hareeraheeda.

Hay'adda Gargaarka iyo Horumarinta Afrika ee Africa Trust, ayaa gargaar ballaaran ka wadda magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda. Hay'addan ayaa gargaar isugu jira gargaar isugu jira bariis, saliid, sonkor iyo timir ay u qeybineysaa dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Cabdiraxmaan Sheekh Aadan oo ah agaasimaha hay'adda ADT ayaa sheegay in hay'addan oo fadhigeedu yahay magaalada London ay hawshan ku fulineyso dhaqaale ay ka soo ururisay Soomaalida.

Waxa uu sheegay in gargaarka ay bixiyeen ay ka faa'iideyteen ilaa 1,500 oo qoys. Wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan hawsha fidinta gargaarka, iyagoo sidoo kale kaashanaya hay'adaha samafalka.

XS
SM
MD
LG