Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Afar Qof ku Dishay Galcad


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Galcad ee hoostimaada degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadkan ayaa deegaanka gaaray kadib markii ciidamda Dowladda iyo kuwa Ethopia ay deegaanka iskaga baxeen saakay.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA in afar qof oo deegaanka ah ay Al-Shabaab ay dileen kuwaasi oo ilaale ka ah shirkado ganacsi oo deegaanka ku yaalay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan sababta ay Al-Shabaab si gaar ah ugu beegsatay afartan qof oo ay u dishay.

Warbixintan waxaa noo soo diray weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Al-Shabaab oo dad ku dilay Galcad
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:07 0:00


XS
SM
MD
LG