Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Shabaab Oo Lacag La Dul Dhigay


Lacagtan ayaa waxaa lasiin doonaa cid kasta oo keenta akhbaar la xiriirta lix ka mid ah hoggaamiyayaasha kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa abaal marin lacageed ugu yaboohday cid kasta oo keenta akhbaar la xiriirta lix ka mid ah hoggaamiyayaasha kooxda mayalka adag ee Al-Shabaab.

Mareykanka waxa ay lix milyanoo dollar dul dhigeen hoggaamiyaha Al-Shabaab Abu Cubeydah, oo bishii September ee sanaddii tagtay noqday hoggaamiyaha Al-Shabaab, kadib markii Mareykanka ay dileen Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale, min shan milyan oo dollar ayey dul dhigeen Mahad Karatey, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo ka tirsan madaxda Al-shabab.

Sadexdan xubnood ayaa lagu kala eedeeyay ka qeyb qaadashada shirqoolo dil. maleeegista weeraro ka dhan ah dowladda iyo bartilmaadyo reer galbeedku ay leeyihiin iyo askareynta dhalinyarada.

Waxaa kaloo min sadex malyuun oo dollar lagu bixinayaa madaxa Macallin Salmaan iyo Axmed Imam Cali.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Macalin Salmaan uu madax u yahay dagaalyahanadda Al-shabab ee ka soo jeeda dalalka Africa, halka Axmed Iimaan Cali loo heysto inuu dhalinyaro Kenyan ah u askareeyay al-shabab taageero lacageednna uu u ururiyay.

Mareykanka ayaa Al-Shabaab waxa ay u aqoonsadeen ururu argagxiso bishii February ee sanaddii 2008.

XS
SM
MD
LG