Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galkacayo: Hawlgal Dad lagu Qabqabtay


Galkacayo: Hawlgal Dad lagu Qabqabtay
Galkacayo: Hawlgal Dad lagu Qabqabtay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in hawlgalka Gaalkacayo lagu soo qabqabtay dad wajiyada duubta oo dadka dila.

Maamulka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay hawlgal dhanka amniga ka fuliyay magaalada Gaalkacayo, kaasoo ay sheegeen inay ku soo qabqabteen rag lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo magaaladaasi dhowrkii bilood ee u dambeeyay laga geysanayay.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo horkacayay wafdi wasiiro ah oo hawlgalkaa dartiis magaalada Gaalkacayo u gaaray ayaa sheegay in sidoo kale sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay gacan ka siiso maamulka Galmudug wax ka qabashada ammaan darrida.

Dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Gaalkacayo waxaa loo geysanayay dadka magaca ku leh bulshada oo ay ku jiraan ganacsato, culimaa'uddiin iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

XS
SM
MD
LG