Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galkacayo: Afar ku Dhimatay Masjid la Weeraray


Galkacayo: Afar ku Dhimatay Masjid la Weeraray
Galkacayo: Afar ku Dhimatay Masjid la Weeraray

Afar qof ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar loo geystay masjid ku yaalla magaalada Gaalkacayo.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii rag hubeysan ay gudaha u galeen masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacayo, dabadeedna si aan kala sooc lahayn dadkii cibaadeysanayay ay rasaas ugu fureen.

Weerarkaasi waxa uu ka dhacay masjidka Salaaxuddiin salaaddii maqrib ka dib.

Weerarkaasi ayaa daba socda dil bartamaha magaalada Gaalkacayo loogu geystay Sabtidii, Agaasimihii arrimaha diinta iyo awqaafta ee wasaaradda caddaaladda ee Puntland Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

Falkan lagu weeraray masjidka ayaa ah kii ugu horreeyay noociisa, waxaana dadka qaarkii ay sheegayaan inuu ka dambeeyay caro laga qaaday dilka mas'uulkaasi ka tirsanaa maamulka Puntland.

Ka hor intuusan dhicin weerarka lagu qaaday Masjidka ku yaalla magaalada Gaalkacayo, waxaa waddooyinka isugu soo baxay dadweyne ka careysnaa dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Gaalkacayo.

XS
SM
MD
LG