Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galgala: Qarax lala Beegsaday Gaari Ciidan


Galgala: Qarax lala Beegsaday Gaari Ciidan
Galgala: Qarax lala Beegsaday Gaari Ciidan

Gaariga la qarxiyay waxa uu qeyb ka ahaa ciidamo ka tirsan Puntland oo agagaarka Galgala dagaal kula jira, maleeshiyada Sh. Maxamed Siciid Attam.

Wararka ay VOA-du ka helayso degmada Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax miino lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland.

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA-da u sheegay in gaariga lagu qarxiyay miino dhulka lagu aasa, waxaana ku dhintay hal askari, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Gaariga la qarxiyay waxa uu qeyb ka ahaa ciidamo ka tirsan Puntland oo u jooga deegaanka Galgala, dagaal ay kula jiraan wadaadka lagu magacaabo Sheekh Maxamed Siciid Attam oo mucaarad ku ah maamulka Puntland.

Sheekh Attam oo xoog looga saaray degmada Galgala waxaa uu sheegay inuu ku sugan yahay meel aan fogeyn degmadaasi, isagoona ku hanjabay inay weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadi doonaan ciidamada Puntland.

XS
SM
MD
LG