Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaas Oo Kalfadhiga Baarlamanka P/L Furay


Abdiweli Gaas
Abdiweli Gaas

Intii uu socday kullanka ayaa madaxweyne Gaas waxa uu ka cudur daartay su’aallo ay weydiin lahaayeen xildhibaannada, oo qaar kood ay ka mid yihiin lacag lasoo daabacy.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 36-aad ee baarlamaanka Puntland, kaasi oo la filayo in xubnaha wakiillada ay kula xisaabtaman xukuumadda Gaas qodobo dastuuri ah.

Guddoomiyaha baarlamanka Puntland Saciid Xasan Shire, oo ka hadlay kalfidhiga ayaa sheegay in waxyaabaha ay ka doodi doonaan ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka Puntland, ansixinta miisaanyidda, arrimaha federaalka iyo qodobo kale.

Waxa kale oo uu sheegay inay la xisaabtan dhab ah la yeelan doonaan golaha fulinta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Gaas oo isna ka hadlay kullanka ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay si wanaagsan wax uga qabaty arrimaha ammaanka Puntland, isaga oo sheegay in meel kasta oo ka mid ah deegaannada Puntland si nabad ah lagu mari karo.

Madaxweyne Gaas, ayaa dhinaca kalena ka cudur daartay su’aallo ay weydiin lahaayeen xildhibaannada, oo qaar kood ay ka mid yihiin lacag lasoo daabacy oo soo galay suuqayada Puntland, sida xildhibaanno codsaday inaan la magacaabin ay u sheegeen VOA.

Weriyaheena Nuux Muuse, ayaa warkan inooga soo diray Garoowe.

XS
SM
MD
LG