Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaarissa: Booqashada Safiirka Maraykanka


Safiirka oo loo xidhayo dharka hiddaha iyo dhaqanka
Safiirka oo loo xidhayo dharka hiddaha iyo dhaqanka

Safiirka Maraykanka ee Kenya, Michael Ranneberge ayaa booqday Garissa wuxuuna xadhiga ka jaray mashruuc lagu horumarinayo dhalinyarada.

Wafdi u hoggaaminayo safiirka dowladda Marayakanka ee u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya Michael Ranneberger ayaa maanta booqday magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Safiirka iyo xubno la socday ayaa waxay Garissa ka fureen mashruuc horumarineed oo loogu talagalay dhalinyarada gobolka Waqooyi Bari. Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lacag gaadhaysa ku dhawaad 5 million oo dollar.

Safiirku wuxuu Garissa kula kulmay in kabadan 2500 oo dhalinyaro ah kuwaasoo ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa dhalinyarada gobolka si ay uga qeyb qaataan isbeddellada gobolka ka socda.



XS
SM
MD
LG