Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaandhi oo ka Hadlay Caqabadaha Dowladda


Gaandhi oo ka Hadlay Caqabadaha Dowladda
Gaandhi oo ka Hadlay Caqabadaha Dowladda

Prof. Gaandhi wuxuu kaloo sheegay in beesha caalamku aysan daacad ka ahayn inay dowladda KMG ah kala shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya

Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee dowladda KMG ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi ayaa ka hadlay caqabadihii ka horyimid dowladda KMG ah, markii lagu biiriyay xubnihii Isbahaysiga dib u xoreynta ee u soo wareegay Jabuuti.


Prof. Gaandhi oo haatan ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa ka qeybgalay kulan ballaaran oo shalay ka dhacay magaaladaasi, oo ay ka qeybgaleen Soomaali aad u tiro badan oo gobollo kala duban ka timid.


Wareysi uu siiyay VOA-da, wuxuu Prof. Gaandhi kaga warbixiyay ujeedada kulankaasi ka dhacay magaalada Minneapolis, wuxuuna sheegay in looga hadlayay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Wadaniyadda,

Federaalism-ka caqabadihii ka horyimid dowladda KMG ah, wixii ka dambeeyay markii lagu biiriyay Isbahaysigii mucaaradka.


Wadaniyadda


Isagoo ka hadlaya arrimaha la xiriira wadaniyadda, wuxuu Soomaalidii ka qeybgashay kulankaasi uu si gaar ah u xusuusiyay in ay xisaabta ku darsadaan inay ka qeyb qaataan sidii dalkooda nabad loogu soo dabaali lahaa. Wuxuu sheegay in sanad walbaa ay Soomaalidu dalka u xawilaan malaayiin dollar, sidaasi darteed aysan habooneyn oo keliya inay masaariif xawilaan, balse ay ku daraan inay lacago tabarrucaad ah oo aan qofka shakhsi ahaan wax weyn ka go’ayn, balse marka laysu geeyo ay wax u qaban karto Soomaaliya.


Federaalism


Prof. Gaandh wuxuu arrimaha federaalismka ka sheegay inay tahay arrin dastuuri ah oo ay tahay in dalka laga hirgeliyo nidaamka ismaamul goboleedyada hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.


Wuxuu si gaar ah uga hadlay maamul goboleed loo sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in dadka qaarkii ay si khalad ah u fasireen. Wuxuu xusay in maamul goboleedka loo dhisayo gobolladaasi aysan ku saleysneyn qabiil, balse ay tahay in dadka degan gobolladaasi ay sameystaan maamul goboleed hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.


Wuxuu soo hadal qaaday ciidamo dalka Kenya lagu tababarayo oo uu sheegay in gobolladaasi ay ka hawlgeli doonaan, si ay uga saaraan ayuu yiri kooxaha mucaaradka ee dowladda ka soo horjeeda ee gobolladaasi haysta.


Caqabadaha Dowladda


Tan iyo markii dowladda kmg ah lagu soo biiriyay isbahaysigii mucaaradka ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan madaxweynaha Soomaaliya ah, ayuu wuxuu sheegay in dowladdu ay caqabado la kulantay.
Caqabadahaasi ayuu Prof. Gaandhi ku sheegay inay ka mid yihiin; mideynta ciidamadii maxkamadaha iyo kuwii dowladda KMG, wadashqeynta xildhibaanadii baarlamaanka dowladda iyo kuwii lagu soo biiriyay ee ka yimid mucaaradka iyo beesha caalamka oo uu sheegay inaanay daacad ka ahayn inay la shaqeyso dowladda KMG ah, si dalka nabad loogu soo dabaalo.


Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku ay dooneyso inay Soomaaliya ka maamulaan Nairobi, sidaasi darteed aanay dooneyn inay xafiisyadooda u soo raraan Muqdisho.

XS
SM
MD
LG