Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo: 7 ku Dhimatay Weeraro lagu Qaaday Masaajiddo


Gaalkacyo: 7 ku Dhimatay Weeraro lagu Qaaday Masaajiddo
Gaalkacyo: 7 ku Dhimatay Weeraro lagu Qaaday Masaajiddo

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay laba weerar oo xalay iyo saaka lagu kala qaaday laba masjid oo ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay 5-kalena way ku dhaawacmeen kaddib weerar kale lagu qaaday masjid lagu magacaabo al-Furqaad oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Weerarkan ayaa dhacay waqtigii salaaddii subaxnimo ee maanta.

Weerarkan ayaa daba socda weerarkii kale oo xalay lagu qaaday masjid kale oo lagu magacaabo Salaaxudiin oo isna ku yaalla xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana weerarkaasi ku dhintay 5 qof, 13-kalena way ku dhaawacantay.

Ragga hubeysan ee weerarkaasi qaaday ayaa waxay masjidkaasi ka kaxeysteen tiro dad ah oo aan haatan la ogeyn meesha ay ku sugan yihiin.

Weeraradan ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen kaddib markii shalay magaalada Gaalkacyo lagu dilay Agaasimihii arrimaha diinta iyo awqaafta ee Puntland Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

XS
SM
MD
LG