Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacayo: Walaaca Weerarka Masaajidda


Gaalkacayo: Walaaca Weerarka Masaajidda
Gaalkacayo: Walaaca Weerarka Masaajidda

Shacabka magaalada Gaalkacayo ayaa si weyn uga walaacsan weerarada loogeystay masaajiddo ku yaalla magaalada Gaalkacayo.

Qeyabaha kala duwan ee Bulshada magaalada Gaalkacayo ayaa walaac ka muujiyay weeraro labadii maalmood ee la soo dhaafay loo geystay masaajiddo ku yaalla magaaladaasi, kuwaasoo ugu yaraan lix qof lagu dilay, inka badan toban kalena lagu dhaawacay.

Qeybaha culimada diinta ayaa si aad ah u cambaareeyay falalkaasi weerarka ah ee lagu laayay dad ku cibaadeysanayay labada masjid ee Sabtidii iyo Axaddii lagu dilay dad cibaadeysanayay.

XS
SM
MD
LG