Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Berbera: Gaadiid Lagu Rasaaseeyey Waddada


Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso muranka ka dhashay wareejinta haamaha shidaalka Berbera.

Kooxo hubaysan ayaa maanta rasaas ku riday gaadiid marayay jidad u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in kooxda weerarkan geysatay ay u carereen oo ay galeen buurta Sheekh, ayna ku raad joogaan ciidamada ammaanka.

Guddoomiyaha oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in koox kale oo dhallinyaro ah ay sidoo kale weerar ku qaadeen oo ay rasaaseeyeen booyad shidaal sidday oo mareysay inta u dhaxeysa Hargeysa iyo Berbara.

Inkasta oo weerarkaasi uusan khasaare geysan, haddana waxaa kooxda weerarka qaaday ay booyadda ka toogteen lugaha.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in arrintan ay salka ku hayso muranka ka dhashay wareejinta haamaha shidaalka Berbera iyo xariga 5 qof oo lagu eedeeyey inay wadeen abaabul iyo kicin ka dhan ah wareejinta haamaha.

XS
SM
MD
LG