Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Finland Oo Xadideysa Magangalyo-doonka


Soomaalida dalkaasi gaaray ee aan wali loo ogolaan sharciga degenaashaha Finland ayaa walaac ka qaba go’aanka kasoo baxay Finland.

Dawladda Finland ayaa war-qoraal ah shalay ku sheegtay in ay soo gaba-gabeysay qiimayntii xaaladaha amni ee dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.

Finland ayaa sheegtay in qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya aysan ka jirin xaalado amni-darro ah, taas oo sabab ay ugu dhigtay go’aanka ah in dalkaasi uu koobi doonto sharciyada la siiyo dadka magangelyo-doonka ah ee dalkaasi gaaray – waxaa muuqata in ay aad hoos ugu dhici doonta tirada magangalyo-doonka ah ee Soomaaliyeed ee dalkaasi gaaraya, go’aankan cusubna uu saamayn ku yeelan doono.

Laanta socdaalka ee Finland ayaa sheegtay in ku dhawaad 24,000 oo qaxooti ah ay soo gaareen dalkaasi Finland, qaxootigan ayaa qayb ka ah muhaajiriinta ku qulqulaya qaaradda Yurub. Waxaa qaaradda soo gaaray in ka badan 680,000 oo muhaajiriin ah, dadkan ayaa kasoo cararay dagaalada iyo faqriga ka taagan dalalka ku yaala Bariga Dhexe, Africa iyo Asia.

Waaxda socdaalka ee dalka Finland ayaa si cad u sheegtay in gobollada koonfureed iyo kuwa bartamaha oo Muqdisho ay ku jirto aysan hadda ka jirin xaalad amni darro ah oo sabab u noqon karta in qaxootiga ka imanaya goobahaasi ay naftooda halis ku jirto – islamarkaana ay ku salayn doonto ogolaanshaha dacwadaha magangalya-doonka ah duruufaha shakhsiga ah iyo xaaladaha gaaraka ah ee qofku uu kasoo cararay.

Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qaxootiga Soomaaliyeed ee gaaray dalkaasi Finland.

Dawladda Finland waxaa warkeeda qoraalka ah ay ku sheegtay in si gaar ah loo eegi doono dacwadaha ay la yimaadaan dadka jilicsan oo caruurta iyo haweenku ay kamid yihiin. Soomaalida dalkaasi gaaray ee aan wali la ogolaan ayaa walaac ka qaba go’aanka kasoo baxay Finland.

Dalka Finland waxaa ku sugan 24,000 oo magangalyo-doon ah , kuwaas oo Finland soo galay sanadkan 2015-ka, 1,900 qof oo kamid ah dadkaasi waxaa ay ka yimaadeen dalka Somalia, halka 17,000 oo qaxooti ahna ay ka yimaadeen dalka Ciraaq.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale Finland waxaa ay u adkaysay hababka loo tixraacayo ogolaanshaha codsiyada ka imanaya qaxootiga ka yimid dalka Ciraaq – waxaana ay Finland sheegtay in dhibaatooyinka shakhsiga ah oo kaliya ahi la tixgalin doono oo aanay jiri doonin in qof kasta la aqbalo.

XS
SM
MD
LG