Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afhayeenki Barlamanka Puntland Oo Is-casilay


Xarunta Puntland
Xarunta Puntland

Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay qabsadeen xarunta baarlamaanka, balse waxaa sidoo kale jiray mooshin xil ka qaadis ah oo baarlamanka laga geeyey.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa magaalada Garoowe kaga dhaawaqay in uu is-casilay kaddib markii uu sheegay in ciidamo hubaysan ay qabsadeen xarunta baarlamaanka.

Inkasta oo Gudoomiyaha uu saakay ku dhawaqay is-casiladdiisa, haddana waxaa illaa xalay ka socday magaalada Garoowe mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha oo ay soo abaabuleen in ka badan 35 xildhibaan oo diidanaa hab dhaqanka Gudoomiyaha.

Xubnaha baarlamaanka oo saakay u fariisan laha Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha ayaa aqbalay wax yar kaddib is-casiladda Gudoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland.

Tan iyo wixii ka dambeeyay Furitaankii kalfadhiga 36-aad ee Baarlamaanka Puntland waxaa muuqanaysay in Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Xildhibano la fikir ah ay qabeen in la muujiyo la xisabtan dhab ah oo ku wajahan Xukumadda uu Hoggamiyo Gaas oo muddoyinkii ugu dambaysay ay ku eedeyeen habacsanaan iyo dhinac mar dastuurka Puntland ah, waxana dad badan ay aaminsan yihiin in Mooshinka lagu abaabulay Gudoomiyaha ay salka ku hayso arrintaas.

XS
SM
MD
LG