Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Federaalka Mareykanka Oo U Digay Gobollada


Xafiiska dib u dejinta qaxootiga Mareykanka ayaa uga digay gobollada inaysan diidi karin dib u dejinta qaxootiga Syria.

Dowladda federaalka Mareykanka ayaa saraakiisha gobollada uga digtay inaysan haysan sharciyad ay ku diidaan inay aqbalaan qaxootiga ka imanaya Syria.

Ogeysiiskan ayaa ku yimid warqad kasoo baxday xafiiska dib u dejinta qaxootiga oo ku taariikheysnayed 25-ka November, kuna socotay hay’adaha dib u dejinta ee gobollada.

Madaxa xafiiskan Robert Carey ayaa sheegay in gobollada aysan diidi karin adeegyo iyo faa’iidooyin uu xafiiskiisa maal-geliyey, sababo la xiriira dalka ay ka yimaadeen qaxootiga ama diintooda.

“Gobol kasta oo diida inuu u hogaansamo arrintan, waxa ay la macno tahay xadgudub ka dhan ah sharciga, waxaana uu wajahayaa qasab ku fulin” ayuu Carey ku yiri warqad lagu dabaacay wargeyska Houston Chronicle.

In ka badan 20 gobol oo badankood ay guddoomiyayaal ka yihiin Jumhuuriyiin ayaa wacad ku maray inay xanibi doonaan isku dayga ay dowladda federaalka dib u dejin ugu sameyneyso qaxootiga Syria, ayaga oo ku dooday in dadkaas ay yihiin halis ammaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii la sheegay in mid ka mid ah raggii fuliyey weeraradii Paris uu ahaa qaxooti ka yimid Syria oo soo galay Yurub.

XS
SM
MD
LG