Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Waxaan Codsanayaa in Fursad Nala Siiyo


Farmaajo: Waxaan Codsanayaa in Fursad Nala Siiyo
Farmaajo: Waxaan Codsanayaa in Fursad Nala Siiyo

Ra'iisal wasaare Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ka codsaday baarlamaanka inay xukuumaddiisa fursad siiyaan si ay isbedel u keenaan.

Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in golihiisa xukuumadda ay oggolaansho ka helaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ra'iisal wasaare Farmaajo oo wareysi khaas ah siiyay Idaacaddan VOA, gaar ahaan barnaamijka Martida Makarafoonka wuxuu ku tilmaamay dowladdisu inay tahay (Dowlad Tayo) isla markaana uu ka codsanayo xildhibaanada in la siiyo fursad ay isbedel ku dhaliyaan dalka.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee u dagaalamaya dowladda iyo shacabka.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ballanqaaday in loo joogteeyo ciidamada qalabka sida mushaharkooda, daaweyntooda iyo wax kasta oo tas-hiilaad ah ee ay u baahan yihiin. Wuxuu intaa raaciyay in fulinta ballan qaadyadaasi ay ku xiran tahay marka la ansixiyo.

Arrinta dastuurka dhowaan la qoray oo ah kii dhaliyay khilaafkii ay ku kala tageen madaxweyn Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Sharmaarke,ayuu ra'iisal wasaare Farmaajo sheegay in uu taageerayo dastuurka isla markaana lagu saleynayo shareecada Islaamka, lana waafajin doono axdiga Qaranka.

XS
SM
MD
LG