Isku xirrada

War

Farmaajo: Waanu la wareegaynaa Muqdisho


Farmaajo: Waanu la wareegaynaa Muqdisho

Farmaajo: Waanu la wareegaynaa Muqdisho

Ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay heegan u yihiin inay la wareegaan caasimadda.

Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Ra'iisal wasaare Farmaajo wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay diyaar u tahay inay wax weyn ka qabato xaaladda dalka isla markaana ay la dagaalanto kooxda al-Shabaab.

Ra'iisal wasaare Farmaajo wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay bilowday bixinta mushaharka ciidamada dowladda, 50kii maalmood ee ay dowladdiisu jirtay, ayna sii wadi doonto in ciidamadu ay si joogta ah u helaan mushaharkooda.

Ra'iisal wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay in dowladda KMG ah ay u baahan tahay taageerada beesha caalamka iyo tan ciidamada AMISOM, isla markaana wuxuu sheegay in AMISOM ay u baahan tahay taageerada beeshaca caalamka.

XS
SM
MD
LG