Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo: Ma aaminsani nidaamka 4.5


Farmaajo: Ma aaminsani nidaamka 4.5
Farmaajo: Ma aaminsani nidaamka 4.5

Raisal-wasaaraha cusub ee Somalia, Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay inuusan aminsanayn isla markaana dowladdiisa cusub ku soo dhisi doonin nidaamka 4.5

Ra,iisul wasaaraha cusub ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta sheegay inuusan aaminsaneyn nidaamka 4.5 oo ah awood qeybsiga ay ku dhisan tahay DKMG. Farmaajo wuxuu sheegay in dhamaan dadku ay siman yihiin oo aan lakala sareynin.

Raisal-wasaare Farmaajo, wuxuu sheegay in dowladda uu dhawaan soo dhisi doono uusan ku soo xulan doonin nidaamka 4.5, balse taa baddalkeed uu soo dhisi doono golle wasiirro ah oo tayo leh waxna ka qabta dhibaatada ka jirta dalka Somalia.

Raisal-wasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in dib-u-heshiisiintu tahay furaha kaliya ee nabad lagu heli karo, wuxuuna kooxaha dowladda ka soo horjeeda ugu baaqay inay nabadda qaataan.

Raisal-wasaare Farmaajo wuxuu hadalkan ka jeediyay kaddib kullan uu maanta Muqdisho kula yeeshay qaar ka tirsan haweenka Muqdisho.

XS
SM
MD
LG