Isku xirrada

War

Sarkozy: Ciidamadeena waan la Baxeynaa


Sarkozy: Ciidamadeena waan la Baxeynaa

Sarkozy: Ciidamadeena waan la Baxeynaa

Dowladda Faransiiska ayaa jimcihii shalay ku hanjabtay inay dedejineyso ka bixitaanka ciidamadeeda ee dalka Afghanistan, ka dib markii Askari reer Afghanistan ah uu jimcihii shalay toogasho ku dilay, afar askari oo Fransiis ah.

Madaxweyne Nicolas Sarkozy ayaa hakiyay howlgalkii military ee ciidamada Faransiiska ay ka wadeen dalkaasi waxuuna sheegay inuu ka fiirsanayo ka bixitaan waqtigiisa ka soo hormaray, hadii buu yiri xaaladaha amaanka aysan wax iska bedelin.

15 askarta Farnsiiska ah ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi oo ka dhacay degmada la yirahdo Taghab oo ku taala gobolka bariga Afghanistan dhaca ee Kapisa.

XS
SM
MD
LG