Isku xirrada

War

Faarax: Xaalada Somalia way ka sii daraysaa


Faarax: Xaalada Somalia way ka sii daraysaa

Faarax: Xaalada Somalia way ka sii daraysaa

Faarax Macallin G/K/ baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in kooxaha Islaamiyiintu ay sii adkaynayaan in xal loo helo mushkillada Somalia.

Faarax Macalin wuxuu sheegay in xilligii la dhisayay dowladda KMG ee Somalia ay isaga iyo dad la mid ah u muuqatay in mushkillada Somalia ay soo afjarmi karto, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in ay haatan adag tahay in xal loo helo dhibaatada Somalia sababo ay ugu wacan tahay kooxaha dagaalka wada ee diinta ku marmarsiyoonaya.

Faarax, wuxuu xusay in kooxaha Islaamiyiinta ee la dagaallamaya dowladda Somalia ay dalka Somalia la doonayaan inay fikrado shisheeye ku jahawareeriyaan iyagoo diinta islaamka isticmaalaya. Faarax Macalin wuxuu sheegay in kooxahani ay doonayaan in Somalia ay ka dhigaan goob dagaal.

Faarax mar la weydiiyay arrinta gooni istaaga Somaliland, wuxuu sheegay in inkastooo ay marxalad fiican ay Somaliland ku taagan tahay, balse hadana Somalidu aysan kala maarmi karin.

Faarax Macalin, wuxuu booqasho ku tagay Djibouti halkaasi oo madaxda Djibouti kala hadlay arrimaha Somalia.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysi gaar ah oo weriyaha VOA Djibouti uu la yeeshay Faarax Macallin.

XS
SM
MD
LG