Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fannaaniinta Xidigaha oo La Maxkamadeeyey


Xidigaha Geeska
Xidigaha Geeska

Fannaaniinta maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa kala ah Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan Hillaac), Xamda Cabdikariin (Xamda Queen), Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) iyo Cabdiraxmaan Caydiid Oday.

Fannaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska ee ku xirnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ayaa maanta si kooban maxkamad loo soo taagay.

Fannaaniinta maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa kala ah Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan Hillaac), Xamda Cabdikariin (Xamda Queen), Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) iyo Cabdiraxmaan Caydiid Oday.

Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ee Hargeysa ee fannaaniintan lasoo taagay, ayaa toddoba cisho oo sii-hayn ah ku xukuntay afartan fannaan ee maalmihii u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa.

Fannaaniintan oo maanta maxkamadda la hor keenay ayaa sidoo kale la amray in eedaynta loo haysto la soo baadho muddadaa ay xidhan yihiin, kadibna dib loogu soo celiyo maxkamadda.

XS
SM
MD
LG