Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo Lasii Daayey


Xidigaha Geeska
Xidigaha Geeska

Maxkamadda Hargeysa ayaa qaraar ay soo saartay ku sheegtay in aan qofna xorriyaddiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana aanay ahayn in qofna la xidho isagoon faraha dembi kula jirin.

Fannaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska oo maalmihii u dambeeyay ku xidhnaa Hargeysa ayaa maanta la sii daayay ka dib markii maxkamadda gobolka Hargeysa ay amartay sii deyntooda.

Maxkamadda ayaa qaraar ay soo saartay ku sheegtay in aan qofna xorriyaddiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana aanay ahayn in qofna la xidho isagoon faraha dembi kula jirin.

Waxa kale oo go'aanka maxkamadda lagu sheegay in qabashada fannaaniintan aan loo marin jid sharci ah, isla markaana aan maxkamadda laga dalban waaran soo-qabasho ah, kahor inta aan lasoo xirin.

Sidoo kale, waxaa qaraarka lagu sheegay in xadhiggoodu muddo-dhaafay oo wakhtigii sharcigu ahaa in maxkamad la horkeeno oo 48 saacadood ah muddo ka badan ay xidhnaayeen, iyagoon maxkamad la horkeenin.

Sidoo kale, waxay maxkamaddu sheegtay inaanay jirin wax caddayn ah oo ka dhan ah fannaaniintan oo muujinaya inay dembi galeen oo maxkamadda la horkeenay.

XS
SM
MD
LG