Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Tartanka Xisbiga Jamhuuriga


Falanqeyn: Tartanka Xisbiga Jamhuuriga
Falanqeyn: Tartanka Xisbiga Jamhuuriga

Tartanta musharixiinta xisbiga jamhuuriga ee madaxtinimada Maraykanka ayaa maanta cirka isku sii shareeray oo xiiso cusub yeeshay, kaddib markii Rick Perry oo ka mid ahaa musharixiinta uu ku dhawaaqay inuu tartankii ka hadhay, isagoo taageeray musharaxa kale ee Newt Gingrich oo soo noqday afhayeenka aqalka Congress-ka Maraykanka.

Dhinaca kale, waxaa la xaqiijiyay in musharaxa Rick Santorum uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Iowa bishan 3-deedii. Musharaxa Mitt Romney ayaa horey loogu dhawaaqay inuu doorashadaasi ku guuleystay, balse guddiga doorashada ee IOWA ayaa maanta xaqiijiyay in doorashadaasi uu ku guuleystay Rick Santorum.

Gobolka South Caroline, ayaa waxaa berri ka dhacaysa doorashada is-reebreebka ee musharaxiinta Jamhuuriga, balse waxaa ka soo hormari doonta dood caawa musharaxiiinta ku dhexmari doonta TV-ga CNN.

XS
SM
MD
LG