Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fadhigii Baarlamaanka ee Maanta oo Natiijo La'aan Dhammaaday


Fadhigii Baarlamaanka ee Maanta oo Natiijo La'aan Dhammaaday
Fadhigii Baarlamaanka ee Maanta oo Natiijo La'aan Dhammaaday

Fadhiga baarlamaanka wuxuu xirmay ka dib markii xildhibaanadu ay isku khilaafeen habkii codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa xukuumadda cusub.

Baarlamaanka KMG ah ayaa ku fashilmay inuu codka kalsoonida u qaado xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee uu dhowaan soo dhisay ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xidlhibaanada baarlamaanka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka doodayay qorshaha xukuumadda Farmaajo iyo qaabka codka loogu qaadayo.

Fadhiga maanta waxaa uu ku xirmay buuq la mid ah kii hareeyay ansixinta ra'iisal wasaaraha qudhiisa, markii uu madaxweynaha hor keenay baarlamaanka oo markaasi ay xildhibaanadu isku qabteen habka codka kalsoonida loogu qaadayo.

Maantana xildhibaanadu waxay isku khilaafeen in codka kalsoonida xukuumadda laga dhigo qarsoodi amma mid furan oo gacan taag ah.

XS
SM
MD
LG