Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Facebook: 500 oo Milyan Ayaa Isticmaasha


Facebook: 500 oo Milyan Ayaa Isticmaasha
Facebook: 500 oo Milyan Ayaa Isticmaasha

Facebook haddii uu dal noqon lahaa wuxuu noqon lahaa dalka saddexaad ee ugu dadka badan adduunka.

Barta Facebook waxay haysataa kala bar hal bilyan oo macaamiil ah. Tiradaasi waa mid aad u ballaaran marka loo eego koon ay ku nool yihiin wax ka yar 7 bilyan oo qof.

Waxaa xaqiiq ah oo aan shaki ku jirin, Haddii barta Facebook-ga ay ahaan lahayd waddan waxay noqon lahayd dalka saddexaad ee ugu dadka badan adduunka, China iyo India ka dib.

Facebook-gu waxa uu ka bilaabmay fikir ka yimid Mark Zuckerberg, markaasoo uu arday ka ahaa jaamacadda Harvard ee gobolka Massachusetts dalkan Maraykanka. 15-kii bilood ee la soo dhaafay il biriqsi kasta 8 qof oo cusub ayaa cinwaan Facebook sameysata.

Facebook wuxuu isbedel ku sameeyay habka ay dad badan ku wada xiriiraan—taasoo u saamaxeysa malaayiinta qof ee isticmaasha inay la wadaagi karaan aaraadooda shakhsiyeed iyo sawiro saaxiibada ay isku xiran yihiin.

XS
SM
MD
LG