Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faarax Macalin oo Taageeray xilka Qaadistii Sharif Xasan


Faarax Macalin oo Taageeray xilka Qaadistii Sharif Xasan
Faarax Macalin oo Taageeray xilka Qaadistii Sharif Xasan

G/K Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa sheegay inuu taageersan yahay xilka qaadisti ay xidlhibaanno ku sameeyeen guddoomiye Shariif.

Faarax Macalin oo uu wareystay weriyaha VOA Djibouti Ramadan Muuse, ayaa sheegay in baarlamaanku yahay hay'adda ugu sareysa ugna awoodda badan isla markaana go'aan kasta oo uu gaadho ay tahay in la fuliyo.

Faarax Macalin wuxuu sidoo kale si weyn u canbaareeyey ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Augutine Mahiga oo uu sheegay inuusan lahayn awood uu uga hadlo ama ku canbaareeyo khilaafka ka dhex-taagan baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa Djibouti uga qeybgalaya shir ay leeyihiin baarlamaannada urur goboleedka IGAD.

Dhinaca kale, guddoomiyaha baarlamaanka Djibouti ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhexjira.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixin ka hadlaya kulanka Djibouti uga furmay baarlamaannada IGAD iyo hadalka Faarax Macalin.

XS
SM
MD
LG