Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faarax Macalim oo ka Hadlay Abaaraha Waqooyi Bari Kenya


Faarax Macalim oo ka Hadlay Abaaraha Waqooyi Bari Kenya
Faarax Macalim oo ka Hadlay Abaaraha Waqooyi Bari Kenya

Faarax Macalim ayaa sheegay in la bilaabayo dadaal wax looga qabanayo abaaraha ka jira gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenaya ayaa sheegay in abaaro baahsan ay ka jiraan deegaanada gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Faarax Macalim oo laga soo doorto gobolkaasi ayaa sheegay abaartu ay dad iyo duunyaba saameyn ku yeesheen balse aanu jirin cid ilaa iyo hadda abaarta u dhimatay.

Inkastoo dowladda Kenya aysan ku dhowaaqin abaar inay ka jirto dalkaasi, haddana Faarax Macalim wuxuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee abaartu ay tahay biyo la'aan iyo baad la'aan soo wajahday xoolo dhaqatada degan deegaanada xuduudda oo ay ku jiraan kuwa deggan dhanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in labada dhinacba ay u gurmadeen oo ay booyado u kireeyeen si dadka iyo xoolahaba loo waraabiyo.

XS
SM
MD
LG