Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faarax: Ciidamada Safka hore yaan la geyn


Faarax: Ciidamada Safka hore yaan la geyn
Faarax: Ciidamada Safka hore yaan la geyn

Faarax Macalin, G/k/xigeenka baarlamaanka Kenya ayaa cabaareeyay qaraxyadii Kampala, balse wuxuu ku taliyay inaan ciidamo safka hore somalia la geyn.

Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in iyadoo la isticmaalayo magac Soomaaliyeed dhibaato iyo qaraxyo loo geysto ummad kale. Faarax Macalin wuxuu sheegay in qaraxyadii ka dhacay Kampala ay ahaayeen kuwo foolxun oo ay geysteen kooxo argagixiso ah.

Faarax Macallin, wuxuu xusay in dowladda iyo shacabka Uganda ay abaal fiican u galeen dadka Soomaalida oo si weyna loo soo dhaweeyay, iyadoo waddanka Uganda uu yahay kan kaliya ee baasaboorka Soomaaliga loogu galo loogana baxo.

Guddoomiye-ku-xigeenku, wuxuu sheegay dowladda Kenya ay qaaday talaabooyin kasta oo ay ku xoojinayso ammaanka dadkeena iyo waliba geeska Africa.

Faarax Macallin, mar uu ka hadlaya xaallada Somalia, wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo in ciidamo ka socda Safka hore la geeyo Somalia, wuxuuna balanqaaday in ciidamo ka socda Kenya aysan gali doonin Somalia.

Faarax Macallin, Guddoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Kenya, wuxuu sheegay in faragalintii ciidamada Ethiopia ay xaaladdii xilligaasi jirtay uga sii dareen, oo kooxaha fikiradaha xagjirka leh ay ka faaideysteen, wuxuuna ka digay inaan mar kale loo baahnayn in ciidamo safka hore ka socda la geeyo Somalia.

Wareysiga Guddoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallin qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG