Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Xisbiyada, Maamul-Gobolleedyada iyo Musharaxiinta


Faaqidaadda: Xisbiyada, Maamul-Gobolleedyada iyo Musharaxiinta
Faaqidaadda: Xisbiyada, Maamul-Gobolleedyada iyo Musharaxiinta

Barnaamijka Faaqidaaddu wuxuu ku hadlayaa maamul-goboleedyada, musharixiinta iyo xisbiyada siyaasadda ee ay dhisayaan qurbojoogta

Waxaa si aad ah u soo kordhaya xisbiyada siyaasadda iyo maamul-goboleedyada ay sameysanayaan Soomaalida qurbojoogta ah.

Sidoo kale qurbojoob fara badan ayaa isku soo taagay musharaxnimada madaxweynenimo ee Somalia kuwaasoo doonaya inay ka qeyb-galaan tartanka madaxtinimada ee Somalia.

Haddaba Maxay soo kordhin karaa xisbiyadan badan? Caqabad ma ku noqon karaan xal u helida Somalia? mase laga yaabaa inay tahay bilow cusub oo dimoqraadiyadood oo ka hana qaada Somalia?

Su'aallahaasi iyo kuwo kale ayaan ku eegaynaa barnaamijkeena Faaqidaadda Toddobaadka,

Barnaamijkan waxaa ka qeybgalaya:

Prof. Xuseen Warsame oo macalin ka ah jaamacadda Calgery, Canada

C/laahi Sheekh Xasan oo madax u ah xisbiga SPDU oo UK lagu aas-aasay

C/wahaab Taray oo ah cilmi-baare jooga jaamacadda California.

Barnaamijka oo dhameystitan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG