Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Toddobaadka: Khilaafka Baarlamaanka


Faaqidaadda Toddobaadka: Khilaafka Baarlamaanka
Faaqidaadda Toddobaadka: Khilaafka Baarlamaanka

Barnaamijku wuxuu toddobaadkan ku saabsan yahay khilaafka u dhaxeeya xubanaha baarlamaanka ee ku saabsan ansixinta R/wasaare Farmaajo

Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxaan si gaar ah toddobaadkan ugu falanqeynaynaa khilaafka ku saabsan ansixinta ra'iisul-wasaaraha cusub ee Somalia Maxamed Farmaajo.

Xildhibaannada Somalia ayaa ku kala duwan hannaanka cod-bixinta kalsooniada loogu qaadayo ra'iiisul-wasaare Farjaamo. Qaar ka tirsan xildhibaannada ayaa soo gudbiyay mooshin sheegaya in ra'iisul-wasaaraha lagu ansixiyo cod bixinta qarsoodiga, halka kuwa kalena ay soo gudbiyeen mooshin dalbanaya codka gacan taaga.

Haddaba barnaamijka ayaa lagu lafa gurayaa labadaasi aragati ee kala duwan, waxaana ka doodaya;

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Muqdisho jooga,

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo Muqdisho jooga

Prof. Ibraahim Sh. Xassan oo macalin ka ahaan jiray jaamacaddii Somalia oo isna Nairobi.

XS
SM
MD
LG