Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Talooyin ku socda Ra'iisul-wasaaraha cusub


Barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka waxaa marti ku ah Saddex ra'iisul-wasaare, Prof Galeyr, Nuur Cadde iyo Xassan Abshir

Ra'iisul-wasaaraha Dowladda KMG Max'ed C/laahi Farmaajo ayaa haatan lagu wadaa inuu soo magacaabo gollaha wasiirada ee xukuumaddiisa cusub. Haddaba qaab caynkee ah ayuu ku soo xulanayaa wasiirada cusub, maxay yihiin caqabaddaha horyaala.? Su'aallahaasi iyo kuwo kale waxaa ka dooddaya oo talooyina siinaya ra'iisul-wasaare Farmaajo saddex mudane oo Somalia ra'iisul-wasaarayaal ka soo noqday oo kala ah;

-Prof. Cali Khaliif Galeydh

-Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" iyo

-Xasan Abshir Faarax

Saddex ra'iisul-wasaarayaashan ka soo noqday Somalia, waxay barnaamijkan qiimeyn ku sameynayaa qaabka uu ra'iisul-wasaarahani ku soo xulan karo wasiirada, howsha ugu horeysa ee hortaala xukuumadda iyagoo dooddana ku salaynaya khibraddii ay iyagu la soo kulmeen waqtiyadii ay jagada ra'iisul-wasaaraha hayeen.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG