Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda iyo Shirka Lund


Shirka Lund, Sweden
Shirka Lund, Sweden

Todobaadkan barnaamijka faaqidaaddu waxa uu ku saabsan yahay shir ka dhacay waddanka Sweden oo lagaga hadlayey hab-maamulka Soomaaliya

Todobaadkan waxa magaalada Lund ee waddanka Sweden ka dhacay shir caalami ah oo lagaga hadlay hab-maamulka Soomaaliya. Shirka ka dhaca Lund oo sanadle ah, waxaa sanad walba lagaga hadlaa arrimaha siyaasadda ee waddan ka mid ah waddamada geeska Afrika. Shirkan ah oo ah kii sagaalaad, waxa uu sanadkan gaar u ahaa waddanka Soomaaliya.

Shirka oo bilaabmay Jimcihii June 4, 2010 ilaa Axadii June 6, 2010 waxaa ka hadlay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Axmadou Wuld Abdalla, Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macallin, aqoonyahano kale, iyo mas’uuliyaan ka tarsan DFKM ah.

Hadaba barnaamijkan oo aan uga hadlayno shirkaasi waxaa ka qeybgalaya oo arrimaha shirkaasi lagu falanqeeyay ka doodadaa sadex aqoonyahan oo kala ah;

1- Dr Cilmi Maxamuud Nuur, oo ah cilmi baadhe xagga dhaqaalaha ah iyo lataliye.

2- Dr. Amina Saciid, oo ah seynisyahanad ka tirsan machad ku yaala Sweden.

3- C/rashiid Cabdi Ismaaciil, oo arday u sharaxan shahaadada PhD ee jaamacada Hanken ee Finland.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG