Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Qaraxyada iyo Madaafiicda Muqdisho.


Todobaadkan waxaan ku eegaynaa madaafiicda iyo qaraxyadii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay masaajidka Muqdisho. Yaa ka mas'uul ahaa?

Al-Shabaab oo gacanta ku haysa goobta uu ku yaallo masaajidka qaraxa lala beegsaday, waxay iyagu ku eedeeyeen dowladda Maraykanka, sidoo kale Dowladda KMG iyaguna waxay qaraxyadaasi ku eedeeyeen kooxda Al-Qaacida ee xiriirka la leh kooxda Al-Shabaab. Hadaba yaa la oran karaa way ka danbeeyeen qaraxyadaasi, saameyn intee le'eg ayayse shacabka Muqdisho ku reebaysaa qaraxyaddan iyo madaafiicda habowga ah ee ay is-weydaarsanayaan dhinacyada isku haya Muqdisho.

su'aallahaasi iyo kuwo kale ayaan ku eegaynaa barnaamijkan Faaqidaadda Todobaadka, waxaana ka qeybgalaya;

Prof. Xuseen Warsame oo macallin ka ah jaamacada Calgary ee Canada

Abuukar Daahir Cismaan oo wasaarada Qurbajoogta ee DKMG wakiil uga ah Maraykanka

Bashiir Salaad Dhoolayare oo ah wakiilka Isbahaysiga Dib-u-xoreynta ee Europe.

XS
SM
MD
LG